Kooxda Liverpool oo Qorsheyneysa in ay Ibrahima Konate ku Bedesho Daafac Adag oo u Ciyaara Kooxda Sporting Lisbon ee horyaalka Portugal .

 



Kooxda Liverpool ayaa Qorsheyneysa inay Ibrahima Konate ku bedesho daafac adag oo u ciyaara kooxda Sporting Lisbon ee horyaalka Portugal, Ciyaaryahankaas oo lagu magacaabo Ousmane Diomande. Ousmane Diomande waa difaac dhexe oo Cote d'Ivoire ah, 21 sano jir ah, kana ciyaara kooxda Sporting CP ilaa Juun 2027.

 Waa daafac aad u xoogan, leh awood jireed, aragti ciyaareed sare, iyo xawaare wanaagsan oo ka dhigaya mid ka mid ah difaacayaasha lagu qabo kan ugu tayo sareeya ee hadda ka cayaarta Portugal.Diomande ayaa Sporting ku soo biiray bishii Janaayo 2023, wuxuu si degdeg ah ugu soo baxay ciyaaryahan muhiim ah kooxda.

 Waxaa lagu qiimeeyaa inuu yahay ciyaaryahan tayo sare leh oo u ciyaaray qaab casri ah oo kooxdiisa caawiya difaaca iyo midda weerarka. Qiimihiisa suuqa iyo qiimaha qandaraaska oo gaareysa ilaa 80 milyan oo euro ayaa muujinaya sida lagu kalsoon yahay kartidiisa.

 Liverpool ayaa dooneysa inay la timaado bedel tayo sare leh sida Daimonde si ay uga jawaabto suura-galnimada in Konate uu ka dhaqaaqo kooxda, maadaama ay jiraan warar sheegaya in Konate uu u dhaqaaqi karo Real Madrid. Waxaa Qorshaha Liverpool uu yahay in la keeno difaac cusub oo leh sifooyin adag oo dhinaca ciyaarta iyo maskaxda ciyaaryahanka ah si ay u xoojiyaan safka daafaca ee kooxda .

Comments

Popular posts from this blog

(Waxaan ku biiray kooxda heysata koobka aduunka):Jorrel Hato oo ka hadlay warbaahinta kadib ku biiristiisa chelsea

Kooxda de Marseille oo si rasmi ah usoo bandhigtay la wareegida saxiixa ee weeraryahanka Aubameyang

Victor Osimhen oo ka hadlay warbaahinta si cad-na u amaanay Galatasaray kadib markii uu ku biiray kooxda