Kylian Mbappe oo jebiyay rikoodh caan ah oo uu Horey usameeyay Cristiano Ronaldo kulankii Kairat Almaty ee Champions League

 




Kylian Mbappé oo jebiyey rikoodh caan ah oo uu hore u dhigay Cristiano Ronaldo ee ciyaartii Real Madrid ay 5-0 kaga badisay Kairat Almaty ee Champions League. 

Mbappé waxa uu ciyaarta ku dhaliyay hat-trick (3 gool) isagoo noqday ciyaaryahankii ka mid ah taariikhda Champions League ee gaadhay 60 gool, isaga oo gaadhay rikoodhkan 89 kulan gudaheed, halka Cristiano Ronaldo uu qaatay 98 kulan si uu u gaaro tiradaas Goolal.

 Mbappé sidoo kale waxa uu noqday ciyaaryahankii seddexaad ugu dhaqsaha badnaa ee gaara 60 gool ee tartanka, isaga oo ka sare maray Ronaldo oo kale. Waxaana Mbappé ku jebiyay kulan ka dhacay Kairat Almaty, Kazakhstan, halkaas oo Real Madrid ku guuleysatay 5-0. 

Tani waxay Muujineysa in Mbappé uu yahay mid ka mid ah xiddigaha ugu waa weyn tartanka Champions League taariikhdeedii.

Comments

Popular posts from this blog

(Waxaan ku biiray kooxda heysata koobka aduunka):Jorrel Hato oo ka hadlay warbaahinta kadib ku biiristiisa chelsea

Kooxda de Marseille oo si rasmi ah usoo bandhigtay la wareegida saxiixa ee weeraryahanka Aubameyang

Victor Osimhen oo ka hadlay warbaahinta si cad-na u amaanay Galatasaray kadib markii uu ku biiray kooxda