Lamine Yamal oo Laga Afduubanayo Barcelona —— xilli uu £300M iyo qorshe culus oo Halis ah uu miiska Saaran yahay.



Lamine Yamal ayaa hadda wajahaya xaalad qanadaraas oo halis ah iyadoo PSG ay si xoog leh ugu hawlan tahay inay ka afduubto Barcelona sanadkan. Sida uu sheegay wariyaha caan ka ah ee Romain Molina ee reer fance, oo si weyn uga faallooday arrimaha maalgashiga reer Qatar ee PSG,

 kooxda Paris ayaa caddeesay in ay rabto Yamal "xitaa qiimo kasta ha ku yimaado" waxayna diyaar u yihiin in ay jebiyaan suuqii kala wareejinta ciyaartoyda, iyagoo qorsheeynaya in ay ku bixiyaan lacagtii ugu badneyd ee ciyaartoy lagu iibsado.

Barcelona ayaa haysata heshiis lala galay Yamal ilaa sanadka 2031, iyadoo qodob bixitaan oo gaaraya ilaa 1 billion uu jiro, taasoo ka dhigaysa inuu aad u adag yahay in loo wareejiyo koox kale si fudud.

 Si kastaba ha ahaatee, arrinta ayaa murugsan sababtoo ah Yamal ayaa dareemaya xanaaq kadib dhaleeceynta uu ka helay tababaraha Barcelona Hansi Flick, taasoo keentay inuu ka fikiro mustaqbalkiisa.

Wariyaha Romain Molina ayaa intaa ku daray in PSG ay doonaysay in ay jebiso rikoorkii wareejinta ciyaartoyga adduunka si ay Yamal uga hesho Barcelona, ​​sidoo kale kalena ay isku qorsheyneyso inay dhaafaan dalabkii hore ee 250 milyan euro oo laga diiday sanadkii hore.

Kooxda PSG ayaa diyaar u ah inay bixiso ilaa 300 milyan oo Yuuro si ay Yamal uga qaadato Barcelona, ​​taasoo halis ku ah qorshayaasha kooxda reer Catalonia mustaqbalka.

Comments

Popular posts from this blog

(Waxaan ku biiray kooxda heysata koobka aduunka):Jorrel Hato oo ka hadlay warbaahinta kadib ku biiristiisa chelsea

Victor Osimhen oo ka hadlay warbaahinta si cad-na u amaanay Galatasaray kadib markii uu ku biiray kooxda

Kooxda de Marseille oo si rasmi ah usoo bandhigtay la wareegida saxiixa ee weeraryahanka Aubameyang