Leandro Trossard oo Si Cad uga Hadlay Wararka Sheegaya inuu ka tegi Doono Kooxda ee Arsenal .
Leandro Trossard ayaa si cad uga hadlay wararka sheegaya inuu ka tegi doono kooxda Arsenal, isaga oo beeniyay in ka tagistiisu ay marnaba ikhtiyaar ahayd. Trossard ayaa sheegay in markii hore xilli ciyaareedkii ku bilowday dhaawac yar oo sababay inuu waqti ciyaareed yar helo, taas oo dhalisay wararka xaqiiqada ka fog ee ku saabsan mustaqbalkiisa.
Waxa uu daray inuu si fiican ugu soo laabtay ciyaarta, ciyaaray waqti badan dhowaan, isla markaana uu dareemayo caafimaad iyo qaab ciyaareed wanaagsan.
Sidoo kale, Trossard waxa uu cadeeyay inuu Arsenal si weyn ugu qanacsan yahay, oo aysan weligiis ka fikirayn inuu ka tago kooxda, isagoo intaa ku daray in wadahadallo wanaagsan uu la yeeshay maamulka iyo tababaraha taas oo horseeday inuu sii joogo Arsenal una qorsheeyo mustaqbalka kooxda.
Wararka ku saabsan xiisaha kooxaha kale sida Bayern Munich iyo xiriirka suurtagalka ah ee suuqa kala iibsiga ayaa la baajiyey maadaama Trossard uu si rasmi ah uga mid yahay ciyaartoyda ama qorshayaasha Arsenal xilli ciyaareedkan .
Comments
Post a Comment