Liverpool iyo Chelsea oo wada cayaara mid kamid ah kulumada ugu weyn todobaadkan ee premeire league
Kulanka Liverpool iyo Chelsea ee ka dhacaya garoonka Stamford Bridge ayaa ah mid ka mid ah kulamada ugu weyn uguna xiisaha ee Todobaadka horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan 2025/2026. Kulanku waxa uu dhacaya maalinta Sabtida, Oktoobar 4, 2025, waxaanu ka Bilaabmaya 7:30pm Fiidnimo.
Liverpool, oo ah kooxda dhowaan Horyaalka qaaday, ayaa ku soo wajahday garoonka Stamford Bridge iyagoo Raadinaya inay ka jawaabaan khasaarihii ugu horreeyay ee horyaalka, gaar ahaan kaddib guuldarro ay la kulmeen usbuucii hore Crystal Palace.
Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa wajahaya caqabado badan oo Dhaawacyo ah, Waxaana albaabka kooxda ka geli doona Ciyaartoy cusub sida Giorgi Mamardashvili oo laga yaabo inuu horyaalka Premier League ku ciyaaro kulankii ugu horeeyay.
Chelsea, oo hadda kaalinta sideedaad kaga jirta Jadwalka, laakiin leh kalsooni dheeraad ah kadib guul muhiim ah oo Champions League ah, ayaa doonaysa inay ka faa'iideysato fursaddan gurigooda, iyagoo rajo ka muujiyay in Liverpool aysan u ogolaan inay Siwataan Guulihii ay hore u soo gareen xilli Ciyaaredkan.
Labadan Koox waxay leeyihiin Taariikh weyn oo Kulumo badan oo xiiso leh la cayaaray, lana filayo in cayaarta uu noqdo mid xiiso iyo tartan adag leh maadaama Liverpool tahay kooxda difaacanaysa ee Premier League, halka Chelsea ay tahay koox u soo muuqda soo kabasho weyn.
Comments
Post a Comment