Manchester United oo Shaacisay ugu dambeeyn Qiime Sare ee lagu heli karo Bruno Fernandes xilli ay xiiso weyn u Qabaan Kooxo ka Socda ee Sucuudiga
Manchester United ayaa shaacisay qiimaha ugu dambeeya ee lagu heli karo Bruno Fernandes uu yahay in ka badan £60 milyan xilli laga filayo in xiiso weyn ka yimaadaan kooxo ka socda Sucuudiga.
Kooxaha reer sucuudi sida Al Nassr iyo Al Itixaad ayaa weli xiiso u leh saxiixa ciyaaryahanka, laakiin Man United waxa ay usheegtay kooxahaas in aysan ka qaadan doonin Fernandes qiimo ka hoseeya £60 million xilliga suuqa soo socda.
Fernandes ayaa xitaa diiday dalabyo mushaar sare leh oo ka yimid sucuudiga xilligi xagaaga 2025, iyada oo ay iska cadahay inuu doonayo inuu sii ciyaaro heer sare iyo inuu guulo la gaaro Manchester United ilaa ay dhammaado tan iyo 2027 .
Comments
Post a Comment