Manchester United oo Si Cad Go'aan Rasmi ah uga Soo Saartay Mustaqbalka Tababaraha ee Ruben Amorim.
Manchester United ayaa si cad uga hadashay mustaqbalka tababare Ruben Amorim iyadoo heshiiskiisa cusub uu yahay ilaa June 2027, iyada oo ay kooxdu heysato ikhtiyaar sanad dheeri ah.
Amorim ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay shaqada tababarka ee Man United bishii November 2024 kadib markii uu ka yimid Sporting Lisbon, halkaas oo uu ku guuleystay labo horyaal oo Portuguese Primeira Liga ah.
Inkastoo United ay ku jirtay xaalad adag marka uu yimid, maamulka iyo milkiilayaasha kooxda waxay muujinayaan taageero iyo dulqaad, iyagoo doonayay inuu helo ugu yaraan saddex sano si uu umuujiyo kartidiisa iyo horumarinta kooxda.
Sir Jim Ratcliffe, oo ka mid ahaa mulkiilayaasha Man United ayaa shaaca ka qaaday inuu taageerayo Amoriim muddo saddex sano ah oo uu ku qiimeeyo inuu yahay tababare weyn, xataa iyadoo natiijooyinku aysan weli ahayn sida la filaayay.
Waxay muujinaysaa inay muhiim tahay in aragti dheer laga yeesho horumarka kooxda hoos yimaada Amorim, inkasta oo ay jireen cadaadis iyo dhaliilo ka soo baxaya taageerayaasha iyo warbaahinta. Inta badan kooxda iyo maamulka ayaa taageeraya tababare Amorim waqtigan.
Comments
Post a Comment