Marcus Rashford oo Markii ugu horreeyay Si Cad ugu weeraray kooxda Manchester United

 



Marcus Rashford ayaa markii ugu horreysay si cad uga hadlay dhibaatadii iyo caqabadihii uu la kulmay intii uu joogay Manchester United, isagoo si dadban uga dhawaajiyay in jawigii iyo deegaanka kooxda aysan u suurtagelin inuu joogteeyo qaab ciyaareedkiisa ugu wanaagsan.

 Rashford ayaa sheegay inuu ku jiray "jawiga aan iswaafaqsanayn" muddo dheer taasoo adkaysay inuu noqdo mid joogto ah oo heer sare ah.Tan iyo markii uu ku biiray Barcelona oo uu ku jiray qaab ciyaareed fiican, isagoo shan gool dhaliyay kulamadii uu uciyaaray, Rashford ayaa muujiyay horumar weyn, isaga oo helay kalsooni dheeraad ah oo uu uga jawaabayo caqabadaha hore.

 Xiddigan Ingiriiska ah ayaa sheegay in ujeedadiisu tahay inuu noqdo mid joogto ah oo heer sare ah, maxaa yeelay isaga ayaa ka warqaba in joogteynta ay tahay waxa uu u baahan yahay si uu u gaaro heer ciyaareed caalami ah.

Waxaa xusid mudan in Rashford uu ka mahadceliyay taageerada tababaraha Barcelona, Hansi Flick, iyo sida uu u qaaday fursadaha ciyaareed ee kooxda cusub, taasoo ka duwan xaaladdii uu la kulmay Man United oo ay jireen isbeddelo badan oo tababare iyo xaaladaha kooxeed ah ����.

Comments

Popular posts from this blog

(Waxaan ku biiray kooxda heysata koobka aduunka):Jorrel Hato oo ka hadlay warbaahinta kadib ku biiristiisa chelsea

Victor Osimhen oo ka hadlay warbaahinta si cad-na u amaanay Galatasaray kadib markii uu ku biiray kooxda

Kooxda de Marseille oo si rasmi ah usoo bandhigtay la wareegida saxiixa ee weeraryahanka Aubameyang