"Mustaqbalka Santiago Bernabeu"– Kooxda Real Madrid oo Qorshe Cusub u Dejisay xiddiga Da'da Yar ee Arda Guller ee Reer Turkiga ah.




Real Madrid ayaa qorshe cusub u dejisay xiddiga Arda Guler, iyadoo kooxdaasi ka fiirsaneyso in ay kordhiso qandaraaska ciyaaryahanka 20 jirka ah haddii uu sii wado inuu noqdo ciyaaryahan aasaasi ah.ah xilli ciyaareedkan haatan.

Guler ayaa ku biiray kooxda 2023-kii wuxuuna qandaraaskiisu ilaa 2029, laakiin Real Madrid ayaa doonaysa inay qandaraaskaas ka dhigto mid dheer ilaa 2031, iyagoo sidoo kale lacagta mushaharkiisa sare u qaadaya ilaa £2.6 milyan illaa £4.5 milyan oo sax ah.

Guler ayaa dib uga soo baxay waqti adag oo uu la qaatay tababarihii hore ee Carlo Ancelotti, laakiin haatan hoosta ka xariiqaya tababare Xabi Alonso oo si joogto ah u bilaabaya ciyaaro, taasoo ka dhigtay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu badan kooxda.

 Real Madrid ayaa si weyn ugu qanacsan horumarka iyo waxqabadka Guler xilli ciyaareedkan, waxaana qorshuhu yahay in la abaalmariyo si uu u sii joogteeyo heerka ciyaareed ee uu ku sugan yahay.Sidoo kale kooxo kale oo Yurub ah sida Arsenal, Tottenham, Newcastle United, AC Milan, Borussia Dortmund iyo RB Leipzig ayaa xiiseynaya saxiixa Guler, hase yeeshee Real Madrid ayaa ka go'an tahay inay sii hayaan ciyaaryahankan qiimaha leh oo aad u wanaagsan mustaqbalka fog, iyadoo qiimihiisa suuqa lagu qiyaasay €150 milyan .

Comments

Popular posts from this blog

(Waxaan ku biiray kooxda heysata koobka aduunka):Jorrel Hato oo ka hadlay warbaahinta kadib ku biiristiisa chelsea

Victor Osimhen oo ka hadlay warbaahinta si cad-na u amaanay Galatasaray kadib markii uu ku biiray kooxda

Kooxda de Marseille oo si rasmi ah usoo bandhigtay la wareegida saxiixa ee weeraryahanka Aubameyang