Paul Scholes oo si lama Filaan ah u Magacaabay Kooxda Kaliya ee u Muuqata mid awood u leh inay ku guuleysato horyaalka Premier League xilli Ciyaareedkan ee 2025/2026.l ...
Paul Scholes, halyeeygii Manchester United, ayaa si lama filaan ah u magacaabay kooxda kaliya ee u muuqata mid awood u leh inay ku guuleysato horyaalka Premier League xilli Ciyaareedkan ee 2025/2026,si weyna ugu ammaamay kooxda Arsenal.
Scholes ayaa sheegay in Arsenal ay leeyihiin awood cad oo ay ku qaadi karaan horyaalka sanadkan, isaga oo tilmaamay in tayada kooxda, qaab ciyaareedkooda wanaagsan, iyo horumarka ay sameeyeen ay ka dhigayso mushara xoogan oo ka sarreeya kooxaha kale.
Sidoo kale Scholes wuxuu muujiyay in kooxda Arsenal ay muddo dheer u diyaarsaneyd inay horyaalka ku guuleysato, isagoo ku amaanay go'aannada maamul iyo tababar oo ay qaateen kuwaas oo ka caawiyay inay qaataan kaalinta koowaad ee horyaalka Premier League sanadkan.
Waraysi uu siiyey ayaa muujinaya kalsoonida uu ku qabo kooxda Arsenal ee xilli ciyaareedka 2025/26, taasoo ka duwan saadaasha caadiga ah ee inta badan lagu tilmaamo kooxaha kale sidaLiverpool iyo Manchester City.

Comments
Post a Comment