Pep Guardiola oo War Culus Kaga Jawaabay Wararka weyn ee Haaland La Xiriirinayo Barcelona
Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa si cad uga jawaabay wararka sheegaya in Weeraryahanka Kooxdiisa, Erling Haaland, lala xiriirinayo Kooxda Barcelona.
Guardiola ayaa sheegay in Haaland uusan "ahayn qof nacas ah oo u wareegi doona Mashaariic aan isaga ku qancin" sida Barcelona, isagoo tilmaamay in Haaland uu si cad u hayo heshiis dheer oo ilaa 2034 ah Manchester City, isla Markaana Haatan uu ku jiro xaaladda heer sare ah oo kooxda ka caawisa in uu Goolal badan dhaliyo.
Guardiola ayaa intaa ku daray in Haatan Haaland yahay mid ka mid ah Ciyaartoyda ugu qiimaha badan dunida, koox kasta oo Aduunka ka mid ahna ay ku riyoon lahayd helistiisa.
Sidoo kale wuxuu Cadeeyay in isaga uusan hubin waxa mustaqbalka dhici doona, sababta oo ah Kubada cagta waa mid aan la Sadaalin karin, Laakiin Waqrigan xaadirka ah Haaland waa m1id Daacad ka ah Manchester City Waxaanu Doonaya in uu guulo la gaaro kooxda.
Comments
Post a Comment