Real Madrid oo go'aan Cad ka soo saartay Mustaqabalka ciyaaryahanka Reer turkiga ah ee Arda Güler




Real Madrid ayaa go'aan cad ka soo saartay mustaqabalka Arda Güler, kaasoo ah ciyaaryahan dhalinyaro Turki ah oo u ciyaara kooxda Real Madrid. Guler ayaa noqday ciyaaryahanka Turki ah ee ugu qaalisan taariikhda,qiimihiisa suuqa ayaa lagu qiyaasaa ilaa €60 milyan.

 Waxa uu si wanaagsan uga soo muuqday kooxda Real Madrid xilli ciyaareedkii 2024/2025, isagoo ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka ugu fiican ee da'da hoos yimaada 23 sano ee La Liga bisha Sebtember 2025, isagoo cayaaraya door muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen goolal iyo caawinaad mihiim ah.

 Tababaraha Xabi Alonso oo si weyn uqiimeeyay Guler,isaga oo ciyaaryahanka u arka inuu yahay mustaqbalka kooxda, sidoo kale wuxuu ku ciyaaray kaalinta muhiimka ah sida weeraryahan duub ah oo firfircoon oo ka qayb qaata weerarka iyo abuurista fursadaha. 

Real Madrid ayaa u muuqata inay qorsheyneyso inay sii wado ku tiirsanaanta iyo horumarinta Arda Güler, iyadoo ka ilaalinasa kooxaha kale ee xiiseynaya in ay ka saxiixaan  ciyaaryahanka 20 jirka ah, lana siiyo fursad uu ku sii kordhiyo doorka kooxda mustaqbalka dhow iyo midka fog labadaba .


Comments

Popular posts from this blog

(Waxaan ku biiray kooxda heysata koobka aduunka):Jorrel Hato oo ka hadlay warbaahinta kadib ku biiristiisa chelsea

Kooxda de Marseille oo si rasmi ah usoo bandhigtay la wareegida saxiixa ee weeraryahanka Aubameyang

Victor Osimhen oo ka hadlay warbaahinta si cad-na u amaanay Galatasaray kadib markii uu ku biiray kooxda