Steven Gerrard oo ugu Dambeyn bannaanka keenay sababtii uu ciyaaryahanka Trent Alexander-Arnold ugu doortay inuu kubiiro kooxda ee Real Madrid .
Steven Gerrard ayaa ugu dambeyn bannaanka keenay sababtii uu Trent Alexander-Arnold ugu doortay Real Madrid, isagoo sheegay inuu fahamsan yahay go'aanka Trent iyada oo aan ka jeedin dhanka Liverpool. Gerrard ayaa sheegay in go'aanka Trent uu uga yimid dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin Saameynta kooxaha waaweyn sida Real Madrid iyo Barcelona, kuwaas oo "ku jeesanaya madaxa" ciyaaryahan kasta.
Gerrard waxa uu xusay in Trent uu hore u guuleystay wax walba oo uu Liverpool kaga guuleystay, sidoo kale kale saaxiibkii ugu fiican uu ka ciyaaro Real Madrid, taasi ay tahay sabab weyn oo uu udoonayo inuu naftiisa kula biiri heer cusub.Si Kastaba,Markii Gerrard uu xirto "koofiyadda Liverpool" wuxuu is waydiinayaa sababta Trent ugu tagay Real Madrid isla markaana ka tagay kooxda ka mid ah kooxaha ugu fiican Yurub oo ku guuleysanaysa koobab waaweyn.
Gerrard ayaa ku tilmaamay tallaabada Trent inay tahay "tallaabo khatar ah" oo uu ku qaadanayo ciyaartoy dhalinyaro ah xilli uu ku jiray xilli ciyaareedkiisii bislaa. Gerrard ayaa sidoo kale sheegay in inkastoo uusan isaga sameeynin tallaabo lamid ah midka Trent,haddana uu rajeynayo in trent uu ku guuleysto kooxda cusub ee real madrid.
Xattaa wuxuu tilmaamay in dagaalka dhaqan ahaan ee taageerayaasha Liverpool iyo Trent uu yahay mid la fahmi karo, gaar ahaan marka ciyaaryahan dhaqanka ah uu isku dayo inuu kooxda ka tago si uu ugu biiro kooxda kale oo waaweyn.Wuxuu kaloo sheegay in weerar afka ah oo xad dhaaf ah uu ka dhan yahay ciyaaryahan walba oo kala duwan oo ka faa'iideysta taageerayaasha, laakiin dhaliilaha macquulka ah waa qayb ka mid ah ciyaarta.
Gerrard ayaa xusay in isku xidhka uu la lahaa Real Madrid xilli Jose Mourinho uu tababare u ahaa kooxdaas uu u arkay mid aad u soo jiidasho leh, taas oo ka mid ah sababaha uu fahamsan yahay in Trent uu u doortay kooxda reer Spain .

Comments
Post a Comment