Tababaraha Arne Slot oo dalbaday in kooxda Reds lagu soo kordhiyo xiddigo cusub ee Bisha Janaayo.——— Oo ay ku farxi doonaan taageerayaashu xiddigaha.

 


Arne Slot, tababaraha Liverpool, ayaa dalbaday in kooxda lagu soo kordhiyo xiddigo cusub bisha Janaayo 2026, iyadoo ciyaartoyda ugu muhiimsan ee la doonayo ay kamid yihiin Michael Olise, Adam Wharton, iyo Antoine Semenyo. 

Liverpool ayaa si gaar ah u xiiseyneysa saxiixa Antoine Semenyo, oo ah xiddig ka ciyaara Bournemouth, islamarkaana lagu qiyaasay qiimo ku dhow £75 milyan kadib waxqabadkiisa heer sare ah ee xilli ciyaareedkan Premier League, halka Adam Wharton iyo Michael Olise sidoo kale lagu eegayo sidii kor loogu qaadi lahaa safka ciyaartoyda da'da yar ee kooxda .

Liverpool ayaa diyaar u ah inay suuqyada kala iibsiga bisha Janaayo raadiso ciyaartoydaas si ay ugu darto kooxdooda, iyagoo qorsheynaya inay kharash xoogan ku bixiyaan saxiixyo tayo leh si kooxda loogu diyaariyo tartanka horyaalada gudaha iyo Yurub ee mustaqbalka dhow. 

Arne Slot ayaa codsaday in xarunta ciyaareed ee Liverpool la xoojiyo iyadoo la keenayo ciyaartoy firfircoon oo leh karti iyo waayo-aragnimo ku filan si ay u taageeraan qorshayaasha kooxda.

Halka Daafaca Marc Guehi wadahadalliisa ay Marxalad adag weli ku Jiraan oo ay Diidan yihiin Crystal Palace in ay si fudud u iibiyaan, xilli ay Sidoo kale kooxo waaweyn ay wada Xiiseynayaan Saxiixa Daafaca Dhexe ee reer England.

Comments

Popular posts from this blog

(Waxaan ku biiray kooxda heysata koobka aduunka):Jorrel Hato oo ka hadlay warbaahinta kadib ku biiristiisa chelsea

Victor Osimhen oo ka hadlay warbaahinta si cad-na u amaanay Galatasaray kadib markii uu ku biiray kooxda

Kooxda de Marseille oo si rasmi ah usoo bandhigtay la wareegida saxiixa ee weeraryahanka Aubameyang