Tababaraha Liverpool, Arne Slot, oo Hadlay kadib guuldaradii Liverpool ka soo gaartay Chelsea kulankii Premier League




Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa sheegay kadib guuldaradii 2-1 ee Liverpool ka soo gaartay Chelsea kulankii Premier League ay ahayd kooxda hogaamineysa ciyaarta inta badan ciyaarta, laakiin 10-15kii daqiiqo ee ugu Dambeeyay ciyaartu noqotay mid labada dhinac fursadaha ka heli karaan, labada dhinac Fursado gool dhalin karayeen.

Wuxuu intaas ku daray in go'aannada ciyaartoyda Liverpool ay ahaan lahaayeen Kuwo ka wanaagsan, isla markaana Guuldarradu ay ku timid "fine margins" oo ah farqi yar oo ciyaarta saameeya. 

Slot ayaa tilmaamay in Liverpool ay ciyaarta fursado badan Abuurtay oo guul lagu raadsan karayay, hase yeeshee Chelsea ay fursadle ka noqotay Goolka guusha waqti dheeriga ahaa. Waxa kale oo xusay in xaaladda ay adag tahay sababta ay yeesheen Dhaawacyo iyo isbedelo badan oo ka dhacay xagaaga. 

Arne Slot ayaa muujiyay in kooxda aysan weli-Guuldarroyinkan ku qancin oo ay sii wadi doonto Dadaalka iyo horumarka ciyaarta si ay u ogaadaan Natiijooyin Wanaagsan mustaqbalka.

Comments

Popular posts from this blog

(Waxaan ku biiray kooxda heysata koobka aduunka):Jorrel Hato oo ka hadlay warbaahinta kadib ku biiristiisa chelsea

Victor Osimhen oo ka hadlay warbaahinta si cad-na u amaanay Galatasaray kadib markii uu ku biiray kooxda

Kooxda de Marseille oo si rasmi ah usoo bandhigtay la wareegida saxiixa ee weeraryahanka Aubameyang