Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim oo Sharraxay Sababtii uu Goolhayaha Cusub Senne Lammens ugu soo Bilaabay Kulankii ay garaaceen Kooxda Sunderland.




Tababaraha Manchester United, Ruben Amorim, ayaa waxa uu Sharraxay sababtii uu goolhayaha cusub Senne Lammens ugu soo bilaabay kulankii ay 2-0 ku garaaceen Sunderland. 

Amorim wuxuu sheegay in Lammens uu u baahday waqti uu ku la qabsanayo jawiga cusub iyo Cadaadiska ka jira kooxda, sidaas darteed go'aankiisa ku saabsan Ciyaartoyga ayaa ahaa mid Taxaddar leh. 

Wuxuu qiray in Lammens uu qabsaday kaalinta koowaad goolhaya cusub ee kooxda si wanaagsan, isagoo muujiyay kalsooni iyo adeeg habboon oo Kooxda u horseeday in ciyaarta difaac wanaagsan Sameeyaan,taaso muhiim u ahayd guusha.

Ruben Amorim ayaa intaas ku daray in kooxdu ay samaysay Qaab Ciyaareed bisil aanay inkastoo ciyaartii oo dhan si fiican u ciyaarin, laakiin kooxda iyo gaarahaan Lammens ay Muujiyeen kalsooni weyn.

Sidoo kale, Ciyaartoyda kale ayaa gacan ka geystay in Lammens uu helo waxqabad wanaagsan, maadaama ciyaarta ay Ahayd mid adag oo aanu dhibic lumin.

Comments

Popular posts from this blog

(Waxaan ku biiray kooxda heysata koobka aduunka):Jorrel Hato oo ka hadlay warbaahinta kadib ku biiristiisa chelsea

Victor Osimhen oo ka hadlay warbaahinta si cad-na u amaanay Galatasaray kadib markii uu ku biiray kooxda

Kooxda de Marseille oo si rasmi ah usoo bandhigtay la wareegida saxiixa ee weeraryahanka Aubameyang