Tababare Enzo Maresca oo Shaaciyay Sirtii ka dambeesay Guushii muhiim ka ahayd ay Chelsea ka Gaartay Kooxda Liverpool

 


Enzo Maresca ayaa shaaca ka qaaday sirtii ka dambeysay guushii Chelsea ka gaartay Liverpool oo ahayd 2-1 iyadoo goolkii guusha lagu dhaliyay daqiiqadii 95aad. Maresca ayaa sheegtay in guushan ay ahayd mid qiimo weyn leh maadaama uu weligii hore uusan guul ugu gaadhin gool daqiiqadihii ugu dambeeyay gudaha garoonkiisa.

 Waxa uu xusay in dabbaal degistii uu sameeyay kadib goolkaas ay ahayd mid dareenkiisa ah oo iskiis u timid, inkastoo arrintaas ay sababtay in kaarka cas la siiyo oo ahaa kaarka labaad ee digniinta, taas oo keentay in uu kulanka xiga uu seego, oo ah kulanka Chelsea ay la ciyaari doonaan kooxda Nottingham Forest. 

Maresca ayaa sheegtay in ciqaabtaas uu qaadanayo ay uqalantay farxadda iyo guusha weyn ee kooxdiisa ay gaartay, iyada oo ay xaalado adag iyo dhaawacyo ay kooxda ku jirtay.

 Guushan ayaa ah mid muhiim ah oo dhiirigelin u ah Chelsea oo ay Maresca u arko aragto in ay tahay koox ka mid ah kuwa ugu waa weyn Adduunka .

Comments

Popular posts from this blog

(Waxaan ku biiray kooxda heysata koobka aduunka):Jorrel Hato oo ka hadlay warbaahinta kadib ku biiristiisa chelsea

Victor Osimhen oo ka hadlay warbaahinta si cad-na u amaanay Galatasaray kadib markii uu ku biiray kooxda

Kooxda de Marseille oo si rasmi ah usoo bandhigtay la wareegida saxiixa ee weeraryahanka Aubameyang