"Waan kufaraxsan nahay guushan,oo waxaan umaleynayaa inaan caawa dirney fariin weyn"Vitinha oo Kahadlay kadib Ciyaarta ay guul Kagaareen Barcelona
Ciyaartoyga khadka dhexe ee Vitinha ayaa warbaahinta ka sheegay ka dib guusha 2-1 ay PSG ka gaartay Barcelona kulankii Champions League xilli Ciyaareedkan, in uu kulanku ahaa mid adag isla markaasna ay ku guuleysteen dadaal iyo go'aan qaadasho wanaagsan, gaar ahaan guul oo ay ka dambeeyeen sida Gonçalo Ramos iyo Achraf Hakimi.
Vitinha ayaa sheegay in guushani ay tahay cadeyn Xoogan oo muujinaysa Awooda PSG, isla Markaasna ay kooxdu fariin muhiim ah u dirtay dhammaan taageerayaasha iyo Kooxaha kale ee tartanka.
Waxa uu xusay in kooxda PSG aysan ka welwelin hadallada ka soo yeeraya Kooxaha kale, balse ay diirada saareen ciyaartooda iyo guusha, taasoo fariin cad u tahay Awooda kooxda PSG ee Champions League-ka 2025/26.
Sidoo kale Vitinha waxa uu ka jawaabay hadalladii Lamine Yamal iyo Pedri ee ka horreeyay kulanka, isagoo adkeeyay in PSG ay tahay koox mideysan oo heersare ah inkastoo ay Lakulmeen Culeysyo Dhaawacyo ah, waxa kale oo uu sheegay in guushani ay soo muujisay tayada iyo kartida kooxda PSG ee difaacanaysa koobka Champions League.
Comments
Post a Comment