Zinedine Zidane oo Magacaabay ciyaartoyga uu ugu Jecel Yahay ee Kubadda Cagta Waqtiga Xaadirka ah.
Zinedine Zidane waxa uu si weyn u ammaanay ciyaaryahanka da'da yar ee Barcelona, Lamine Yamal, isagoo sheegay inuu yahay ciyaartoyga uu ugu jecel yahay waqtigan xaadirka ah. Zidane wuxuu tilmaamay in Lamine uu yahay ciyaaryahan si gaar ah u soo jiita marka uu kubada taabto, isagoo sheegay inuu dareemo "qalbigiisa" marka uu daawado ciyaartiisa .
Zidane waxa uu xusay ciyaar gaar ah oo uu Lamine ku muujin jiray xirfadiisa, taas oo ahayd ciyaartii Barcelona ay la ciyaareen Inter Milan xilli ciyaareedkii hore ee Champions League. Wuxuu sheegay in Lamine uu si kaligiis ah u sameeyey wax walba;isagoo muujiyay Awoodiisa iyo kartidiisa ciyaareed.
Lamine Yamal, oo ah 18 jir, ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da'da yaraa ee ka ciyaara finalka Euro 2024, isagoo sidoo kale ku guuleystay Trophée Kopa 2024, taasoo keentay la siiyo ciyaaryahanka ugu fiican ee da'diisu ka yar tahay 21 sano .
Zidane wuxuu sidoo kale xusay inuu jecel yahay ciyaartoyda kale ee da'da yar sida João Neves iyo Vitinha,laakiin wuxuu si gaar ah umuujiyay taageeradiisa iyo xiisaha uu u qabo ciyaarta Lamine Yamal .
Guud ahaan, Zinedine Zidane waxa uu muujiyay ixtiraam iyo taageero weyn oo uu u hayo Lamine Yamal, isagoo u arka inuu yahay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu xiisaha badan ee waqtigan xaadirkan.
Comments
Post a Comment