Agaasimaha Barcelona Deco oo si rasmi ah usheegay in Nico williams uu doonayo inuu ku biiro Bacelona,waa run
Agaasimaha isboortiga ee Barcelona, Deco, ayaa si rasmi ah u sheegay in Nico Williams uu doonayo inuu ku biiro Barcelona. Wareysi uu siiyay warbaahinta AS iyo La Vanguardia, Deco wuxuu si cad u yiri:
> "Nico? Wuxuu leeyahay rabitaan inuu yimaado, waana isku dayi doonaa"
➤ Tani waxay muujinaysaa in Nico go’aansaday inuu xiiseynayo ku biirista Barça, waxaana Barca bilaabeen tallaabooyin dhab ah oo lagu xaqiijinayo heshiiska.
Deco ayaa si toos ah u qiray in Nico laftiisu doonayo kooxda.
Barcelona waxay u arkaysaa Nico ciyaaryahan muhiim ah oo buuxin kara garabka bidix.
Waxaa sidoo kale la xaqiijiyey in Deco uu u safray Ibiza si uu ula kulmo wakiilka Nico iyo qoyska si loo sii dedejiyo heshiiska.
✅️Gunaanad:
waa wax dhab ah oo rasmi ah: Deco ayaa si cad u sheegay in Nico Williams uu doonayo ku biirista Barcelona, taas oo ah tallaabo weyn oo u dhow xaqiijinta heshiiskiisa.
Comments
Post a Comment