Al-hilaal oo si cad ugu dhow inay lawareegto dambeedka bidix Theo hernandez ee kooxda AC milan
Al-Hilal ayaa si cad ugu dhowaatay inay la wareegto daafaca bidix ee AC Milan, Theo Hernández,Sida laga soo xigtay warbixino dhowr ah oo ay daabaceen wargeysyada Talyaaniga iyo kuwa Sucuudiga, Al-Hilal ayaa:
Diyaar u ah Qiimaha Qiyaastii €35 milyan (€30m lacag toos ah + €5m gunnooyin la xiriira bandhigga ciyaaryahanka).
sidoo kale Milan Diyaar ayay u tahay inay aqbasho, maadaama heshiiska Theo uu dhacayo xagaaga 2026, isla markaana aysan rabin inay lumiyaan lacagta haddii uu bilaash ku baxo.
Mushaharka,Al-Hilal waxay u ballanqaadayaan mushaar dhan €18 ilaa €20 milyan sanadkii, taasoo si weyn uga badan waxa uu ka helo Milan.
Xattaa qandaraas ah Laga bilaabo xagaagan ilaa 2029 ama 2030, sida la sheegay.
Theo wali go’aan kama dambays ah ma uusan gaarin, inkastoo wadahadalladu ay horumar weyn sameeyeen.
Waxa uu ka fiirsanayaa in uu sii joogo Yurub si uu uga qeyb galo Champions League, iyadoo kooxo ay ka mid yihiin Atletico Madrid iyo kooxo kale oo reer Premier League ah lagu sheegay inay xiiseynayaan.
Al-Hilal waxay sugayaan in Theo si rasmi ah u aqbalo shuruudaha shaqsiga ah.
Haddii uu aqbalo, waxa la filayaa in Baaritaanka caafimaadka uu dhaco toddobaadkan,Bandhigga rasmiga ah la sameeyo ka hor dhammaadka Juun.
🟥 Gunaanad:
Al-Hilal waxay si dhab ah ugu dhowdahay saxiixa Theo Hernández — Milan iyo kooxda Sacuudiga waxay isla oggol yihiin lacagta, Theo-na wuxuu qarka u saaran yahay go’aankiisa ugu dambeeya.
Comments
Post a Comment