Arsenal oo wada-hadalo rasmi ah layeelatay kooxda Valencia ee heshiiska daafaca dhexe cristhian Mosquera
Arsenal ayaa bilaabay wada-hadallo rasmi ah oo ay la yeeshaan Valencia si ay u saxiixaan daafaca da’yarta ah ee Cristhian Mosquera (20 sano) xagaagan. Waddada heshiiska ayaa u muuqata mid ku wajahan kharash qiyaastii €20 milyan, iyadoo Mosquera-na uu hore u oggolaaday qorshaha uu ku biiro kooxda .
Mosquera waa xidig Spain U-21, waxaana uu noqday tiir adag oo ka tirsan Valencia, isagoo ciyaartiisa La Liga ah ugu soo muuqday in ka badan 70 kulan oo laba sano gudahood ah .
Valencia waxay ku jirtaa xaalad dhaqaale oo culus, iyadoo doonaysa inay iibiso ciyaartooyda muhiimada leh sida Mosquera si ay xisaabaadka sanadlaha ah u hagaajiso .
Suuqyada kale ee Kooxaha sida PSG, AC Milan, RB Leipzig iyo Liverpool ayaa iyaguna la socday xaaladda footballer-ka, taasoo ka dhigaysa suuqa Mosquera mid xiiso badan .
Si kastaba, war-saxaafadeedyo kala duwan ayaa sheegaya in RB Leipzig ay horay heshiis afka ah la galeen Mosquera, inkasta oo heshiiska kooxaha wali noqon mid rasmi ah .
Wararkii ugu dambeeyay, sida uu shaaca ka qaaday Fabrizio Romano, ayaa sheegaya in “Mosquera uu bixiyay calaamadda cagta cagta ee ku biirista Arsenal,” isla markaana wada-hadallo buuxa lala galay Valencia .
Sida laga soo xigtay ESPN, waxay sheegeen in usaprowax ay taagan tahay in heshiis la gaaro maalmaha soo socda, iyadoo qandaraaska ciyaaryahanka la soo gaarsiiyey Arsenal .
Comments
Post a Comment