Daafaca real madrid Antonio Rudiger oo si cad iskaga diiday dalab weyn oo uga yimid kooxaha horyaalka sucuudi carabiya
Daafaca kooxda Real Madrid iyo xulka Jarmalka, Antonio Rüdiger, ayaa la soo wariyay inuu si cad u diiday dalab weyn oo dhaqaale badan watay oo uga yimid kooxaha horyaalka Sacuudi Carabiya.
Rüdiger, oo ka mid ah tiirarka difaaca Real Madrid tan iyo markii uu ka yimid Chelsea, ayaa la sheegay inuu doorbiday in uu sii joogo Yurub si uu uga mid ahaado ciyaartoyda ugu sarreysa ee tartamada ugu waaweyn, gaar ahaan isagoo haatan qeyb muhiim ah ka ah kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Jarmalka.
Inkasta oo aysan si rasmi ah u shaacin kooxaha Sacuudiga ee dalabka u soo diray, haddana warbixinnada ayaa tilmaamaya in dalabku uu ka mid ahaa kuwa xiddigaha ugu waaweyn loogu tagayo — balse Rüdiger ayaa go’aansaday inuu sii wato tartamada heerka ugu sarreeya ee Yurub.
Comments
Post a Comment