Enzo maresca oo si kulul uga hadlay habka loo ciyaaro kubada cagta ee mareykanka kadib kulankii guusha kagaareyn Benfica
Tababaraha kooxda Chelsea, Enzo Maresca, ayaa si kulul uga hadlay habka loo ciyaaro kubadda cagta ee Mareykanka, kadib markii kooxdiisu guul 4-1 ah ka gaartay Benfica kulankii wareega 16-aad ee Club World Cup. Maresca wuxuu aad u dhaleeceeyay habka qabanqaabada tartanka iyo xaaladaha cimilada ee ciyaarta saameeyay.
✅️ Hadalladii ugu kululaa ee Maresca:
("Tani kubad ma aha. Waa iska kaftan.")
Ciyaarta ayaa la joojiyay daqiiqaddii 86aad sabab la xiriirta roobab iyo onkod xooggan oo ka dhacay magaalada Charlotte ee dalka Mareykanka.
Ciyaarta ayaa dib loo bilaabay ku dhowaad laba saacadood kadib, taas oo ah wax aan la arag tartamada caalamiga ah sida UEFA Champions League ama Premier League.
🗣️ Maresca wuxuu intaa ku daray:
> “Waxaa jiray 6 ilaa 7 kulan oo la hakiyay tartankan. Marka sidee ayuu Mareykanka ugu qalmaa inuu martigeliyo tartan heer caalami ah?”
Wuxuu su'aal geliyay in Mareykanka uu diyaar u yahay martigelinta tartamada waaweyn sida Koobka Adduunka 2026, isagoo sheegay in:
Cimilada Mareykanka aysan ku habboonayn jadwalka ciyaaraha.
Hakadyada cimiladu ay si toos ah u saameynayaan tayada ciyaarta iyo niyadda ciyaartoyda.
Waa dhibaato in ciyaar la joojiyo 1 saac iyo 55 daqiiqo iyadoo ciyaartu ay socoto.
Saameynta ciyaarta,Chelsea ayaa hogaanka ku jirtay markay ciyaarta istaagtay, iyadoo ugu dambeyn waqtigii dheeriga ahaa saddex gool kale ku dhaliyay.
Maresca ayaa sheegay in ciyaartu lumisay xidhiidhkii iyo xeeladdii markii la joojiyay.
☑️Gunaanad:
Enzo Maresca wuxuu muujiyay in:
Mareykanka uusan wali lahayn kaabayaal iyo cimilad u qalma tartamada heer caalami.
Wuxuu cambaareeyay FIFA iyo qabanqaabiyeyaasha tartanka.
Wuxuu uga digay FIFA in Koobka Adduunka 2026 uu noqon karo mid ceeb ah haddii aan la saxin arrimaha hadda jira.
Comments
Post a Comment