Florian Wirst oo la xaqiijiyay in uu si rasmi ah ugu biiray kooxda Liverpool
Wirtz, oo 22 jir ah, wuxuu ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka ugu wanaagsan Bundesliga ee xilli ciyaareedkii 2023/24, isagoo dhaliyay 34 gool isla markaana caawiye ka noqday 33 gool. Waxa uu sidoo kale ka caawiyay Bayer Leverkusen inay ku guuleystaan horyaalka Bundesliga markii ugu horeysay taariikhda kooxda.
Inkasta oo Liverpool ay la tartameen kooxo waaweyn sida Bayern Munich, Real Madrid, iyo Manchester City, haddana Wirtz wuxuu doortay inuu ku biiro Liverpool. Heshiiska ayaa hadda ku jira marxaladda baaritaanka caafimaadka, waxaana la filayaa inuu dhamaado toddobaadka soo socda.
Heshiiskan ayaa muujinaya sida Liverpool ay ugu diyaar garoobayso inay xoojiso khadka dhexe ee kooxda, iyadoo Wirtz uu noqon doono xubin muhiim ah mustaqbalka kooxda.
Comments
Post a Comment