Gennaro Gattuso oo ku dhow in uu noqdo tababaraha cusub ee xulka qaranka talyaaniga



Gennaro Gattuso ayaa ku dhow inuu noqdo tababaraha cusub ee xulka qaranka Talyaaniga, isagoo beddelaya Luciano Spalletti oo xilka laga qaaday kadib guuldarro 3-0 ah oo ay ka soo gaartay Norway tartanka isreeb-reebka Koobka Adduunka. Gianluigi Buffon, madaxa waftiga xulka, ayaa xaqiijiyay magacaabista Gattuso, isagoo sheegay in Gattuso uu yahay doorashada ugu fiican ee xulka Azzurri.  

Gattuso, oo 47 jir ah, wuxuu ku guuleystay Koobka Adduunka ee 2006 isagoo ciyaaryahan ah, wuxuuna khibrad tababarenimo u leeyahay kooxo badan sida AC Milan, Napoli, Valencia, iyo Marseille. Ugu dambeyntii, wuxuu ka tagay kooxda Hajduk Split ee Croatia bishii Juun 2025.  

Magacaabista Gattuso ayaa la filayaa inay si rasmi ah u dhacdo toddobaadka soo socda, waxaana lagu wadaa inuu la shaqeeyo ciyaartoy hore oo caanka ah sida Leonardo Bonucci, Andrea Barzagli, Gianluca Zambrotta, iyo Simone Perrotta. Waxaa sidoo kale la filayaa in Cesare Prandelli uu dib ugu soo laabto xulka isagoo noqonaya isku-duwaha horumarinta ciyaartoyda.  

Hadafka ugu weyn ee Gattuso waa inuu Talyaaniga u hogaamiyo Koobka Adduunka ee 2026, isagoo ka bilaabaya isreeb-reebka adag ee hadda socda. 

Comments

Popular posts from this blog

Kooxda manchester city oo si xoogan uxiiseyneysa ciyaaryahanka da'da yar ee Lyon Rayan Cherki

Ruben Amorim oo si kulul uga hadlay guuldaradii xumeyd ee kooxdiisa kasoo gaartay kooxda ASEAN All-Star

Kooxda AC Milan oo saacadihii ugu dambeeyay lasheegay iney tababare cusub kadhigan doonaan Max allegri