Kylian mbappe oo maqnaan doona kulanka real madrid ugu horeeya ee club world cup ay laciyaarayaan kooxda Al-hilaal

 


Kylian Mbappé, weeraryahanka caanka ah ee Real Madrid, ayaa ka maqnaa tababarkii ugu dambeeyay ee kooxda ka hor kulanka furitaanka ee FIFA Club World Cup 2025, kaasoo ay la ciyaari doonaan kooxda reer Sacuudi Carabiya ee Al-Hilal. Sababta maqnaanshihiisa ayaa la xiriirta xanuun hargab ah oo uu ka qaaday subaxnimadii Isniinta, taasoo ku qasabtay inuu seexdo hoteelka isagoo raacaya talo caafimaad. 

 Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin xaaladdiisa caafimaad, hadana ka maqnaanshihiisa tababarka wuxuu shaki gelinayaa ka qaybgalkiisa kulanka furitaanka ee ka dhici doona Hard Rock Stadium ee Miami .

Mbappé, oo ku guuleystay abaalmarinta Goolhayaha Dahabka ee Yurub xilli ciyaareedkii hore, ayaa muhiim u ah qorshaha tababare Xabi Alonso ee Real Madrid. Haddii uu ka maqnaado kulanka, Alonso wuxuu u baahan doonaa inuu ka fiirsado xulashada weerar, iyadoo uu dhaawac soo gaaray Endrick, oo ah weeraryahanka kaliya ee kooxda ee booska 'nine' ah. 

Kulanka Real Madrid iyo Al-Hilal ayaa noqon doona mid xiiso leh, iyadoo labada kooxood ay isku dayayaan inay ku guuleystaan koobka Club World Cup ee sanadkan. 

Comments

Popular posts from this blog

Kooxda manchester city oo si xoogan uxiiseyneysa ciyaaryahanka da'da yar ee Lyon Rayan Cherki

Ruben Amorim oo si kulul uga hadlay guuldaradii xumeyd ee kooxdiisa kasoo gaartay kooxda ASEAN All-Star

Kooxda AC Milan oo saacadihii ugu dambeeyay lasheegay iney tababare cusub kadhigan doonaan Max allegri