Milos Kerkez oo si weyn u ammaanay Andrew Roberston kadib markii uu ku biiray kooxda Liverpool
Milos Kerkez ayaa si rasmi ah ugu biiray Liverpool, wuxuuna si weyn u amaanay Andrew Robertson, isagoo ku tilmaamay:
"dhammaan taariikhda Premier League, Robbo waa kan ugu fiican booska dambeedka bidix". Hadalkan wuxuu sheegay kadib markii uu ku biiray liverpool xagaagan 2025,isagoo muujiyay qadarin weyn oo uu uhayo Andrew Roberston.
Milos Kerkez wuxuu sheegay inuu doonayo inuu ka barto Robertson halkii uu si toos ah tartan ula gali lahaa booskaas.
Liverpool ayaa la sheegay inay bixisay lacag lagu qiyaasay £35m si ay u hesho Kerkez, taasoo sare u qaaday kharashka suuqa xagaaga ee kooxda.
Comments
Post a Comment