Mykhailo mudryke oo markale dacwad halis ah uu ku soo oogeyn xiriirka kubadda cagta ee ingiriiska
Mykhailo Mudryk oo markale dacwad halis ah uu kusoo oogay xiriirka kubadda cagta ee Ingiriiska (FA), ayaa arrintan waxaa si rasmi ah uga hadlay afhayeen u hadlay FA-ga. War-saxaafadeed uu afhayeenkaasi soo saaray ayuu ku sheegay:
> "FA-du waxay si buuxda uga go’an tahay ilaalinta daahfurnaanta iyo cadaaladda ciyaarta. Kadib baaritaan adag oo la sameeyay, waxaan caddeynay in Mudryk uu ku xadgudbay xeerarka la dagaalanka daroogada ee ciyaaraha. Waxaana hadda bilaaban doona hannaan dacwadeed oo buuxa si loo xaqiijiyo wixii dhacay."
Afhayeenka ayaa sidoo kale intaas ku daray in:
> "Ciyaaryahannada heerka sare ah waa inay u noqdaan tusaale wanaagsan dhalinyarada iyo bulshada ciyaaraha. FA-du kama laabaneyso tallaabo kasta oo lagula dagaallamayo isticmaalka walxaha mamnuuca ah, si loo ilaaliyo tayada iyo hufnaanta tartamada dalka."
Mykhailo Mudryk ayaa la filayaa inuu si rasmi ah uga soo hor muuqdo guddiga anshaxa FA-da toddobaadyada soo socda, iyadoo weli natiijada baaritaanka "B sample" la sugayo. Haddii natiijadu ay markale noqoto mid togan, wuxuu wajihi karaa ganaax dheer oo gaari kara ilaa afar sano.
Chelsea, dhankeeda, waxay sheegtay inay taageereyso ciyaaryahanka ilaa inta maxkamadda ciyaaraha (FA tribunal) ay go’aan kama dambeys ah ka gaareyso kiiskan.
Comments
Post a Comment