Pep guardiola tababaraha manchester city oo ugu dambeeyn magacaabay kabtanka cusub ee kooxda
Pep Guardiola, tababaraha Manchester City, ayaa ugu dambeyntii magacaabay kabtanka cusub ee kooxda, isagoo ka duulaya dhacdooyinkii hore ee xilli ciyaareedkii 2024–25.
Kabtanka Cusub ee Manchester city,Guardiola ayaa go'aansaday in uu magacaabo koox hoggaamineed oo ka kooban afar ciyaartoy, iyadoo aan la isticmaalin nidaamkii codbixinta ciyaartoyda ee hore. Kooxdan cusub ee kabtannimada waxaa ka mid ah:
•Bernardo Silva – Kabtanka cusub ee kooxda.
•Rodri – Kabtanka labaad.
•Rúben Dias – Kabtanka saddexaad.
•Erling Haaland – Kabtanka afraad.
Guardiola ayaa sheegay in Haaland, oo ah weeraryahan da'yar, uu u baahan yahay inuu barto mas'uuliyadda hoggaamineed, isagoo rajeynaya in mustaqbalka uu noqon doono kabtanka ugu weyn ee kooxda .
Guardiola ayaa go'aansaday in uu si toos ah u magacaabo kabtanka cusub kadib markii uu ka niyad jabay dhacdooyinkii hore, sida bixitaankii Kyle Walker ee xilli ciyaareedkii hore. Wuxuu sheegay in go'aankan uu muhiim u yahay sidii loo dhisi lahaa koox leh hoggaamin adag iyo isfaham wanaagsan .
Manchester City ayaa ku bilaabi doonta xilli ciyaareedkan cusub tartanka Club World Cup, iyadoo kulankeeda ugu horreeya uu yahay midka ay la ciyaari doonto Wydad AC. Bernardo Silva ayaa hogaamin doona kooxda kulankan, isagoo matalaya kabtanka cusub ee kooxda .
Go'aankan cusub ee kabtannimada ayaa muujinaya isbeddel iyo qorshe cusub oo Guardiola uu ku doonayo in uu dhiso koox leh hoggaamin adag iyo mustaqbal ifaya.
Comments
Post a Comment