Real madrid oo mar kale xiiseynaysa in ay qaataan daafaca dhexe ee kooxda Liverpool ibrahima Konate
Real Madrid ayaa sidoo kale qorsheyneysa inay soo saxiixato Trent Alexander-Arnold, iyadoo heshiiskiisu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan. Labadan ciyaaryahan oo ka wada tirsan difaaca Liverpool ayaa noqon kara xoojinta muhiimka ah ee Real Madrid ee xagaaga 2026.
Si kastaba ha ahaatee, Ibrahima Konaté wuxuu sheegay inuu "farxad ka helay" xiisaha ka imaanaya kooxaha waaweyn sida PSG iyo Real Madrid, laakiin weli ma muujin inuu diyaar u yahay inuu ka tago Liverpool. Liverpool ayaa sidoo kale dadaal ugu jirta inay heshiis cusub la gaarto si ay u sii hayso daafaceeda muhiimka ah.
Sidaas darteed, inkastoo xiisaha Real Madrid uu muuqdo, go'aanka kama dambaysta ah ee Konaté iyo heshiiska cusub ee Liverpool ayaa go'aamin doona mustaqbalkiisa.
Comments
Post a Comment