Tababaraha real madrid Xabi alonso oo sheegay inuu ku faraxsanyahay in uu kusoo laabto kylian mbappe tababarka kooxda
tababaraha Real Madrid Xabi Alonso ayaa si cad u sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in uu arko Kylian Mbappé oo dib ugu soo laabtay tababarka kooxda, kaddib markii uu ka soo kabsaday xanuun caloosha ah (gastroenteritis).
Inkasta oo Mbappé uusan weli buuxin heerka ciyaarista, Alonso wuxuu xaqiijiyey in haddii kooxda ay u gudubto wareega 16-aad ee Club World Cup-ka, Mbappé diyaar u noqon doono.
Hadallada Xabi Alonso:
> “Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan arko Mbappé oo dib u tababaranaya. Maalin wanaagsan ayey u ahayd isaga, inkasta oo uusan weli buuxin taam ahaanshihiisa. Haddii aan u gudubno wareega 16-aad, waan hubaa inuu diyaar u noqon doono.”
Xaaladda Mbappé,Wuxuu seegi doonaa kulanka ugu dambeeya ee group-ka.
Waxaa la filayaa inuu si buuxda u taam noqdo toddobaadka dambe.
Real Madrid ayaa u baahan guul ama barbaro si ay u xaqiijiso u gudubka wareega 16-aad.
Comments
Post a Comment