Xabi alonso oo si cad war cusub kasoo saaray mustaqbalka xiddiga garabka ee Rodrygo goes



Xabi Alonso—tababaraha cusub ee Real Madrid—ayaa si daacad ah uga hadlay xaaladda Rodrygo Goes, isagoo tilmaamay in xilli ciyaareedkii hore uusan u fududaanin laacibka, balse uu hadda muujinayo niyad iyo diyaar garow ah.

Xabi Alonso wuxuu yiri:

“Wixii xilli ciyaareedkii hore ka dhacay Rodrygo Goes, easy ma ahayn. Wuu ka warqabay cadaadiska iyo fursad la’aanta. Laakiin hadda madax ayuu soo dagsaday. Waxaan la yeeshay wadahadal wanaagsan, waana ii muuqataa in uu yahay nin diyaar u ah inuu nala shaqeysto.”

Warkan ayaa muujinaya in Alonso uu ka shaqaynayo dhisidda kalsooni cusub iyo xasilooni gudaha kooxda, gaar ahaan ciyaartoyda ay muranada saameeyeen xilli ciyaareedkii tegay. Wuxuu sidoo kale ka dhigan yahay in Rodrygo weli qeyb ka yahay qorshaha Real Madrid ee mustaqbalka dhow, inkastoo warar suuqa ah ay isku dayayeen inay mustaqbalkiisa mugdi geliyaan.

Alonso wuxuu doonayaa in Rodrygo uu dareemo muhiimadiisa kooxda, taasoo muhiim u noqon karta horumarkiisa xilli ciyaareedka ee 2025–26

Comments

Popular posts from this blog

Kooxda manchester city oo si xoogan uxiiseyneysa ciyaaryahanka da'da yar ee Lyon Rayan Cherki

Ruben Amorim oo si kulul uga hadlay guuldaradii xumeyd ee kooxdiisa kasoo gaartay kooxda ASEAN All-Star

Kooxda AC Milan oo saacadihii ugu dambeeyay lasheegay iney tababare cusub kadhigan doonaan Max allegri