Isku aadka kooxaha u soo gudbay wareega semi finalka ee tartanka club world cup-ka 2025
Kooxaha usoo gudbay wareega semi-finalka ee koobka kooxaha aduunka 2025,waa afar kooxood oo ka kala socda yurub iyo koonfurta ameerika:
⚽️ Natiijooyinka & Jadwalka Semi-finalka
1. Fluminense vs Chelsea
Kulanka semi-finalka koowaad waxaa lagu ciyaari doonaa MetLife Stadium, East Rutherford, New Jersey.
Taariikhda iyo wakhtiga:TuesDAY, 8 July 2025, 15:00 EDT (21:00 CET).
Tani waa is reeb-reebka kooxaha Brazilian-ka ah: Fluminense ayaa la kulmi doonta Chelsea, kadib markii kooxda Brazilian-ku ay ka gudbeen Al Hilal .
2. Paris Saint-Germain vs Real Madrid
Semi‑finalka labaad: Paris Saint‑Germain (PSG) oo ka talisay kooxda Bayern Munich, ayaa la kulmi doonta Real Madrid, oo guul 3–2 ah ka gaarey Borussia Dortmund .
Waqtiga & taariikhda:Wednesday, 9 July 2025, 15:00 EDT (21:00 CET) .
✅️Isbarbardhigga Kooxaha & Fursadaha
Kooxuhu Jidadka ay kusoo mareen Semi‑finalka tartanka iyo Faa’iidooyinka Muhiimka ah
●Fluminense ayaa Ka gudubtay Al Hilal ee (2–1) Tiirsanaan xooggan oo ay ku gaareen quarter-finalka
●Chelsea ayaa Ka gudubtay Palmeiras ee (2–1) Qaab ciyaareed firfircoon oo Premier League ah
●PSG Buuhood ka qaaday Bayern Munich ee (2–0), inkastoo ay koox ahaan noqdeen 9 ciyaartoy ousmane Dembele oo laacib muujiyey karti heer sare ah
●Real Madrid ayaa Guul 3–2 ah oo ay ka gaareen Dortmund, oo ay ku jiraan gool Mbappé iyo difaac adag Koox khibrad leh, taageero sare, iyo diaama gaar ah
Fluminense vs Chelsea waa tartan u dhexeeya koox Brazil ah iyo koox Europe ah, taas oo ka dhigan mid ay labada dhinac si aad ah ay u doonayaan guusha si ay ugu sii gudbaan finalka.
PSG vs Real Madrid waa kulankii ugu xiisaha badnaa: koox wadarta Champions League haysata, PSG, oo aad u hamineysa koobkan, iyo Real Madrid, oo leh karti iyo khibrad heer caalami ah.
⚫️Gunaanad
Labada semi-final waxay ballanqaadayaan ciyaaro xiiso leh:
1-Fluminense – Chelsea: Tuesday 8 July.
2-PSG – Real Madrid: Wednesday 9 July.
Comments
Post a Comment